Uganda oo taageertay go'aankii maxkamadda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wednesday November 11, 2026 - 06:38:27
MeMO Staff
Ururka Qareennada dowladda Yugaandha (Uganda Law Society) ayaa soo saaray bayaan uu ku muujinayo walaac xooggan oo ku saabsan khilaafka ku saabsan dastuur ku sheegga kooxda Villa Soomaaliya isagoo ku baaqay in la dhowro wax uu ugu yeeray Dastuurka, madax-bannaanida garsoorka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Maxkamadda Sare ee DF ay 5-tii Nofeembar 2026 soo saartay go'aan ay ku sheegtay in wax-ka-beddelladii Dastuurka ee Maarso 2026 aysan kordhinayn muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in Maxkamaddu ay sharci-darro ku tilmaantay xil-ka-qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.

Guddoomiyihii maxkamadda sare ee kooxda Villa Soomaaliya ayaa baaqii uu soo saaray ku faray in muddo 90 maalmood gudahood ah lagu qabto doorashooyin isagoo Xasan Gurguurte ugu yeeray madaxweyne hore.

Warka kasoo baxay ururka qareennada oo taabacsan xukuumadda Kampala ayaa ah farriin cad oo cadaadis lagu saarayo Xasan Gurguurte waxaana muuqata in dowladda Yugaandha ay la safan tahay kooxaha mucaaradka ah.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in dhammaan dowladaha ay ciidamada afrikaanta ah ka joogaan Soomaaliya ay Xasan Gurguurte kasoo horjeesteen marka laga reebo dowladda Jabuuti.

Dhinaca kale afar dowladood oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa markale xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ka billaabay dhaq dhaqaaqyo ay ku kulansiinayaan kooxda Villa Soomaaliya iyo mucaaradkeeda.

Related Items

Update cookies preferences